Kalsooni ayaad nagu qabi kartaa. Waxaa na saaran waajibka sir-xajinta, taas oo ay micnaheedu tahay in waxaad inoo sheegto aan la gudbineyn. Haddaad dooneyso waxaad noqon kartaa qof aqoonsigiisu uu naga daahsoon yahay.
Annageenii ka shaqeeyna xaafiiska heeganka waxaan ku hadalnaa luuqado kala duwan, waxaanna leenahay taariikh waxbarasho oo kala duwan.
Waxaad nagala soo xiriiri kartaa:
Telefon: 020 – 81 82 83
isniin-jimce: 9:00-16:00
E-mail: stodjouren@somaya.se
Deganaanshaha hoyga badbaadada
Somaya waxey leedahay hooy badbaado loogu talogalay dumarka dilka loo geysto iyo carruurta wehlisa. Waxaan dad ka qaabilnaa Iswiidhan oo idil. Meeleynta waxaan badanaa la kaashanaa Xaafiiska adeegga bulshada, marmarka qaarkoodna Hay’adda socdaalka.
Marka la yimaado hoygeena badbaadada waa in ugu horreyn la gooyaa xiriirka qofka/dadka geystay dilka iyo hanjabaadda. Waxaa nalaga helayaa taageero iyo wadahadallo nafsi ay qofka dumarka ahi ku garato cawaaqib-xumada dilka. Hadday qofka dumarka ahi dooneyso inay booliska u dacwooto waxaan ka caawineynaa la xiriirka qareen aqoon leh oo la taliya. Waxaa xitaa nalaga helayaa taageero xagga xiriirka xaafiisyada dawladda, goobaha caafimaadka iyo iskuulka. Inta badan degaanku waa mid la wadaago.
Qofka dumarka ahi waxay leedahay qol u gaar ah oo ay xiran karto. Meelaha kalese waa la wadaagaa, sida jikada, fadhiga iyo qubeyska. Adiga ayaa raashinka iskaaga u iibsanaya oo u karsanaya. Haweenka nala deggan waxay naga helayaan waxyaalo adadkeeya oo ay ku mashquulaan oo siinaya tabo cusub ay ku helaan nolol xor ah oo madaxbannaan.
Dumar iyo ilmo kasta waxay helayaan xiriiriye u gaar ah oo ku hadla luuqaddooda.
Sannado badan ayay Somaya carruurta si gaar ah diiradda u saartay. Waxaanna ku faraxsan nahay inaan nahay heegaankii dumrka ee ugu horreeyey Iswiidhan oo guddoonka waxbarashada ka hela oggolaansho ay ku qabtaan xannaano iyo waxbarasho cilmiyeysan oo loogu talogalay carruurta la badbaadinayo. Hoggaamiyaha Wadnaha Eman waa macalin leh takhasus xannano oo asxaabtiisa shaqo u kaashanaya inay carruurta u abaabulaan bay’ad nabdoon. Carruurta oo leh macalimiin iyo bay’ad nabdoon waxay helayaan fursado iyo xaalado ay horumar wanaagsan ku gaaraan. Carruurtu way iskaashanayaan oo ciyaar iyo halabuur ayey ku helayaan horumar wadajir ah. Hawshaan waa mid la ansixiyey oo raacsan manhaj waxbarasho la mid ah kan xannaanooyinka caadiga ah taasoo carruurta u gogolxaaraysa in, markii la gaaro, ay xannaano ka bilaabaan meel ka baxsan heeganka dumarka.
Xarunta Somaya waa goob kulan iyo waxqabad oo loogu talogalay dumarka iyo carruurta leh aqoonsiga daahsoon. Wakhtiga xaadirka ah waxaa goobta kulanka loogu talogalay dumarka iyo carruurta ku nool ama horey ugu noolaan jiray hooygeena badbaadada. Xarunta Somaya waa goob ay dumarku iyo carruurtu ku dareemi karaan kalsooni iyo isku xirnaan, iyagoo islamar ahaantii ku hawlan waxqabadyo gacan ka geysta tabihii ay ku gaari lahaayeen madaxbannaani, horumar iyo baraare.
Dil sokeeye wuxuu noqon karaa mid xag niyad, jir, jinsi, agab iyo dhaqaale ah.
Niyad-dil wuxuu ku saabsanaan karaa falal ay ka mid yihiin hadallo sharaf-dhac ah, hanjabaad, go’doomin, muquunin iyo xakamayn, taas oo tartiib tartiib qofka u horseedeysa burbur nafsiyeed. Niyad-dilku wuxuu xitaa noqon karaa in la handado carruurta, rabbaayadda ama xigtada dhibbanaha.
Jirdil firfircoon wuxuu noqon karaa wax kasta laga billaabo riixid, haraatiyid iyo garaacid ilaa iyo ceejin, caabbin ama in qof qalab lagu weeraro.
Jirdil aan firfircooneyn waa iyadoo qof loo geysto falal kala duwan oo dil ah oo jirka cawaaqib ku keena. Taasu waxay noqon kartaa in qof hurdo loo diido ama muddo dheer la saaro cadaadis maskaxeed oo jirka saameyn ku yeesha. Dilku wuxuu xitaa mararka qaarkood noqon karaa mid ku xiran qof xaalad gaar ah ay ku furan tahay, tusaale ahaan in qof xanuunsan ama naafo ah laga xayiro daawadiisa ama qalabka uu ku dhaqdhaqaaqo.
Xoogid waa iyadoo qof diiddan lagu qasbo inuu ka qaybqaato, fuliyo ama marag u noqdo falal galmo ah. Taasi waxay noqon kartaa falal sharaf-dhac ah, qasab ku daawasho filim galmo ku saabsan, taabasho aan raalli laga ahayn ama kufsi. Xoogidda sokeeyaha waxay inta badan ku saabsan tahay in dhibbanahu ay dareemeyso inay ku qasban tahay in loo galmoodo iyadoo ay taas isaga badbaadineysa noocyada kale ee dilka.
Dil xag agab iyo dhaqaale ah wuxuu tusaale ahaan noqon karaa cunaqabatayn dhaqaale ama iyadoo qofka lala nool yahay dhaqaale lagu gumeysto, in hantidiisa la baaba’sho ama in loogu hanjabo in alaabta iyo qalabka guriga laga jajebin doono.
Il-warbixineed: www.unizon.se
Dulmi iyo cadaadis sharafeed waa nooc ka mid ah hababka ay raggu dumarka ku muquuniyaan. Dulmi iyo cadaadis sharafeed waa mid ku aaddan shakhsi – inta badan gabdhaha iyo dumarka – oo qoyska uu ka dhashay ay u arkaan inuu u dhaqmay hab ceebeynaya ama ceebeeyey sumcadda qoyska, reerka ama qabiilka. Ujeeddadiisu waxay tahay in laga hor tago baaba’a ama dhaawaca sumcadda qoyska iyo in xitaa lagu ilaaliyo magaca iyo sharafta qoyska.
Ilaalintu waxay noqon kartaa laga billaabo xayiraad xornimo-nololeed, sida tusaale ahaan qofka madaddaaladiisa iyo dharkiisa, ilaa iyo guur iyo waxbarasho. Diiraddu waxay saaran tahay jinsiga iyo dhaqanka gabdhaha iyo dumarka.
Dhibaatadu xitaa wiilasha ayey saameyn kartaa iyadoo tusaale ahaan lagu barbaariyo inay ilaaliyaan dumarka qoyskooda ama loo dhiso guur aysan raali ka ahayn.
Haddaan loo hoggaansamin xeerarka iyo nidaamka qoyska/reerka/qabiilka ama shakhsi looga shakiyo jebintooda, iqaabtiisu waxay tusaale ahaan noqon kartaa in la dayriyo, la go’doomiyo, loo hanjabo, la jirdilo, xaaladaha ugu daranna waxay keeni kartaa in naftiisa la gooyo. Mararka qaarkood shakhsigu wuxuu u baahdaa inuu si buuxda uga go’o qaraabadiisa iyo asxaabtiisa, si aysan nabadgelyadiisu qatar u gelin.
Xiriir galmo inuu uun rag iyo dumar ka dhexeyn karo waxay udub dhexaad u tahay fikradda dulmi-sharafeedka, taasoo dhalisa in haddii dadka hbtq (homo, bi, trans och queers) ay xaaladdooda jinsi caddaystaan ay halis u yihiin in hanjabaad iyo dil loo geysto. Taas darteeda ayey u yihiin dad uu sigaar ah u saameeyo dulmi iyo cadaadis sharafeedku.
Somaya waxay aragtideedu tahay in dulmi iyo cadaadis sharafeedka uu mar walba wadar ka dhex dhaco. Waxaa naga dhaadhacsan fikrad tixgelin kala duwanaansho; taas oo ah in wadartu ay ka kooban tahay waxyaalo ay ka mid yihiin jinsi, dabaqad bulsheed, qowmiyad iyo xaalado dhaqaale iyo in shakhsiyaadka wadartaasi xubnaha ka ah ay dhibbane iyo dembile labadaba noqon karaan.